Darawalkii hore ee General Dhega-badan oo dil toogasho lagu xukumay

Dhamme Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle waxaa loo soo xiray in gawaari qaraxyo ah uu soo geliyay Magaalada Muqdisho, waxa uu gawaaridaas ku baakimay dhowr goobood oo ganacsi, sida Village Hotel & Restaurant 14-kii bishii January ee 2019, Baar Italia agagaarka Mall-ka Xamar Weyne February 4-teedii 2019, Maqaayadda Cagaweyne Ex Bilsan Restaurant 28 March 2019 iyo Xeebta Liido agagaarka Aargada May 27-keedii 2019.

Illaa 27 qof oo isugu jira qaybaha bulshada ayaa ku geeriyooday qaraxyadaasi, inta diiwaanka dowladda ku jirto, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay tiro intaas ka badan.

Eedaha kale ee loo haystay waxaa ka mid ah iibinta laba Hoobiye oo 60-ah iyo 40 xabo oo ah rasaastiisa.

Xiriirka teknoloojiyadda ayaa laga tix raacay soo qabashadiisa, ka dib weerarkii Garoonka Diyaaradah Aadan Cadde ka dhacay 23-kii March ee sanadkii tegay 2022, balse waxaa la waysnaa illaa November 19-keedii 2022, markaas uu soo galay gacanta Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Marinta habraacyadii dacwadda ka adib, Maxkamadda Ciidamada ayaa dhageysiga fadhigii ugu dambeeyay gashay 7-dii bishan January.

Maanta ayay Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ku xukuntay Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle dil toogasho, oo ah qisaasta marxuumiinta ku naf waayay gawaaridii qaraxyada ahaa ee uu goobahaasi dhigay.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaana ku dhawaaqay xukunka ay maxkamaddu ku tiday ninkaasi.

Xukunsanaha ayaa ka soo mid ahaa ciidamada illaa Dowladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan, waxa uu ka gaaray Ciidanka Darajada Kabtan, waxa uuna soo noqday Taliye Urur, waxa uuna la soo shaqeeyay General Cabdikariin Yuusuf Adan (Dhegabadan), Abaanduulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoona soo noqday darawalkiisa gaarka ahaa.

Saddex iyo konton Jirkan ku dhashay Gobolka Mudug ayaa haysta muddo bil ah, oo uu rafcaan kaga qaadan karo xukunkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com