Golaha Wasiirada oo meelmariyay dhowr Hindise Sharciyeed (SAWIRRO)

Kusimaha Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ahna Raysal Wasaare Kuxigeenka Dalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada, kaasoo lagu ansixiyay dhowr Hindise Sharciyeed.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa meelmariyay Hindise Sharciyeedyada kala ah, Dhiirigelinta Maalgashiga, Hindise Sharciyeedka Hay’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha Soomaaliyeed.

Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee amniga iyo hawlgalada dalka looga xoreynayo maleeshiyada Al Shabaab.

Golaha ayaa boggaadiyay guulaha is daba jooga ee laga gaaray hawlgalada xoreynta ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Golaha ayaa loo qaybiyey Hindise Sharciyeedka Dawada & Badqabka Cunnada Somaliya iyo Hindise Sharciyeedka Dhowrista Maalgashadayaasha & Maalgashiyada, iyadoo dhinaca kale goluhu guddi u saaray xaqiijinta ka saarista Somaliya ee cunaqabateynta hubka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com