Madaxweyne Guudlaawe oo xilka ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulkaasi, Maxamed Xasan Kulmiye.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle ayaa waxaa xilkaasi loogu magacaabay Nuur Xasan Sheekh Muuse.

Madaxweynaha ayaa is bedelkan sameeyay, ka dib markii uu garowsaday inay muhiim tahay dardargelinta shaqada Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com