Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay bannaanbax ka dhacay Muqdisho (SAWIRRO)

Bannaanbaxan oo ay soo qaban-qaabisay Dowladda Federaalka ayaa lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta Injineer Yariisow ee Magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxa ayaa waxaa galabta ka qaybgalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka, Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka iyo bulshada ku dhaqan magaalada qaybteed.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Garoonka Injineer Yariisow ayaa ku dheeraaday dhibaatada ay maleeshiyada Al Shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dadka reer Muqdisho ay qabaan dhibaato u gaar ah, marka aad eegto sida ay ugu la’anayaan weerarada qaraxyada, ee ay maleeshiyadaasi ka gaysanayaan caasimadda.

“Dadka hal hal inay u dilaan kuma qancaan oo ma farxiso, kumanaan iyo boqolaal inay u dilaan ayay rabaan, waana u soo dileen.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan leeyahay dadka Caasimadda Muqdisho ku noolow Khawaarijta marada ka hurgufta, iska bixiya adinka ayay idinku dhex jiraan oo guntigiina ayay ku jiraan. Khawaarijta guryihiina ayay joogaan, deris ayay idin la yihiin, guryaha aad idinka leeyihiin ayaad ka ijaarataan, baabuurta ay leeyihiin ayaa agagaarkiina marta, xaafadiinee ag-joogtaa.”

Madaxweynaha ayaa bulshada Muqdisho ku tartarsiiyay inay meel uga soo wada jeestaan kooxaha argagixisada, isla-markaana ay iska dhex saaraan.

“Waxaan rabaa maanta inaan ku ballano Khawaarijta in aan iska bixino, oo waa dhilqo noogu jiro marada’e, marada ka hurgufano oo iska bixino, intaas ma isla qaadanay?” Ayuu yiri Madaxweynaha oo intaasi raaciyay “Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka oo iskaashanayo, kama soo adkaan karaan, kamana soo badbaadi karaan.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaaladda ay xilligan Shabaabku ku sugan yihiin ku sifeeyay “Shabaab waa malaay ama kaluun biyihii ka dhammaadeen oo biyihii ka gureen, biyaha ay ku dhex dabaashaan ay ku dhex dhuuntaan shacabka Soomaaliyeed ayuu ahaa, shacabkii Soomaaliyeed-na waa diiday, biyihii sidaas ayay kaluunkii uga gureen. Kaluun biyo ka gureen dhimasho ayuu leeyahay, Shabaab-na waa dhintay ee ogaada.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com