Madaxweynaha Hirshabelle oo Wakiilka Midowga Yurub kala hadlay dagaalka Shabaab

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliya, Tiina Intelmann.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabelle, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

“Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay arrimaha amniga, gaar ahaan hawlgalada baahsan ee kooxda Khawaarijta Al Shabaab looga xoreynayo deegaanada Hirshabelle oo guulo muhiim ah laga gaaray.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay “Kulankan ayaa sidoo kale looga hadlay kor u qaadidda mashaariicda horumarinta iyo muhiimadda ay leedahay in deegaanada la xoreeyay laga fuliyo barnaamijyada xasillinta, si ay bulshado u hesho adeegyada aasaasiga ee muhiimka u ah dowladda.”

Madaxweyne Guudlaawe oo tan iyo daba-yaaqadii bishii December ku sugan Caasimadda Muqdisho ayaa ka wado kulamo uu taageero ugu raadinayo, sidii deegaanada la xoreeyay looga hawlgelin lahaa nidaamka dowladnimada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com