Mareykanka oo 18 bilood u kordhiyay Soomaalida aan haysan sharciga dalkaasi

Bayaan ay Khamiistii soo saartay Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ayaa lagu sheegay in xaaladda Ilaalinta Ku Meel Gaarka ah (TPS) ee dadka Soomaaliyeed lagu kordhin doono muddo 18 bilood ah.

Tallaabadan ayaa la macno ah in ku dhawaad 430 muwaadiniin Soomaaliyeed ah, oo horey u haystay TPS ay sii haysan doonaan darajadaas illaa 17-ka bisha September ee sanadka 2024, waxaana waaxdu intaa ku dartay in dad gaaraya 2,200 oo deganaa Mareykanka illaa bishan January ay sidoo kale xaq u yeelan doonaan inay codsadaan ilaalinta.

“Iyadoo loo marayo kordhinta iyo dib u habeynta Somaliya, si loo helo xaalad ilaalin ku meel gaar ah, Mareykanka wuxuu awood u yeelan doonnaa inuu bixiyo badbaado iyo ilaalinta dadka Soomaaliyeed ee laga yaabo inaysan awoodin inay ku laabtaan dalkooda, iyadoo la eegayo colaadaha socda iyo dhibaatooyinka bani’aadanimo ee sii socda.” Ayuu yiri Xoghayaha Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka, Alejandro Mayorkas.

Bishii December, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Hoose ee Congress-ka Mareykanka ee Xisbiga Dimoqraadiga ee Madaxweyne Joe Biden ayaa ku baaqay in loo kordhiyo sii joogitaankooda muwaadiniinta ka soo jeeda dalka Somaliya, bacdamaa ay dalkaasi ka jirto xaalad bani’aadanimo iyo rabshado hubeysan.

Washington waxay siisaa TPS muwaadiniinta dalalka ay xaaladuhu sida adag uga jiraan, waxaana dalalkaasi ka mid ah Somalia, Afghanistan, Yemen, Haiti, Cameroon, Ukraine iyo dalal kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com