Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay deegaanka Ceelhuur

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo Gorgor oo garabsanaya Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanka Ceelhuur ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay isaga baxeen deegaankaasi, ka dib markii ay ka war heleen in guluf xoog lihi kaga soo wajahan yahay dhanka Degmada Hobyo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay ku sii jeedaan Degmada Xarardheere, oo Shabaabku ku leeyihiin saldhigooda ugu weyn ee gobolkaasi.

Mar sii horreysay ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay ka qalab qaateen Xarardheere, inkastoo weli qaarkood la soo sheegayo in ay ku sugan yihiin deegaanada ku dhow dhow degmadaasi.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa Gobolada Dhexe ka wada hawlgalo deegaanada Galmudug lagaga sifeynayo maleeshiyada Shabaabka.

Jimcihii shalay, ciidamada ayaa la wareegay gacan ku haynta deegaanka Cali Heele ee Gobolka Galgaduud.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com