Gudoomiye Jeyte oo booqday dhaawacyadii laga keenay Degmada Maxaas (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho ku booqday qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii ismiidaaminta ahaa ee 4-tii bishan ka dhacay Degmada Maxaas ee gobolkaasi.

Qaraxyadan oo laba ahaa, loona adeegsaday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa ku dhintay 35 qof, halka 50 kalena ay ku dhaawacantay. Dhaawacyada culus ayaana loo qaaday Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan oo u kuurgelayay xaaladda caafimaadeed ee dadkaasi ayaa mid mid u wareystay bukaanadii uu kula kulmay isbitaalkaasi.

Wariye khaalid Maxamuud Cismaan (Ilkacase) oo ka mid ah bukaanada isbitaalkaasi lagu daweynayo ayuu Gudoomiyuhu sheegay in markii 3aad uu u dhaawacmay u qidmeynta dadkiisa.

Khaalid Ilkacase waa Wariyihii gaarka ee Gudoomiye Jeyte, waxaana uu sidoo kale 27-kii bishii June ee sanadkii hore ku dhaawacmay qarax duleedka Degmada Matabaan lagula eegtay gaadiid uu la socday Gudoomiyaha.

Gudoomiye Jeyte ayaa ballanqaaday inuu si dhow ula socon doono xaaladda bukaanada, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com