Kooxo lala xiriiriyay burcadnimo iyo ka ganacsiga maandooriyaha oo Muqdisho lagu soo bandhigay

Laamaha ammaanka ayaa soo bandhigay afar nin, kuwaa oo laba ka mida lagu eedeeyay falal burcadnimo, halka labada kalena la sheegay inay ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka-dooriya.

Labada nin ee hore ayaa lagu soo bandhigay Saldhigga Booliska ee Degmada Howlwadaag, ka dib markii laga soo qabtay gudaha Suuqa Bakaaraha. Raggan ayaa lagu eedeeyay inay falal dhac ahi u gaysan jireen dadka ku dhaqan degmadaasi.

Labada nin ee kale ayay Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Saldhigga Ceelasha Biyaha ka soo qabteen deegaankaasi.

Raggan ayaa lala soo qabtay maandooriye la sheegay inay ku iibinayeen goob ay ku lahaayeen deegaankaasi Ceelasha Biyaha.

Ciidamada amniga ayaa Magaalada Muqdisho ka wada hawlgalo ay kula dagaalamayaan kooxaha burcadda iyo kuwa kale ee ka ganacsada maandooriyaha.

Muqdisho waxaa xilliyada habeenkii ku badan falalka dhaca, ee ay kooxaha hubeysani u gaysanayaan bulshada ku dhaqan magaalada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com