Madaxweynaha Jabuuti oo qaabilay Axmed Madoobe (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa gelinkii dambe ee maanta waxa uu Xarunta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta gaaray Magaalada Djibouti.

“Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Dowlada iyo shacabka Jabuuti uga mahadceliyay taageerada walaalnimo, ee ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Jubbaland.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Dhinaca kale Madaxweynaha Jabuuti ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jubbaland, mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdigiisa booqashada tariikhiga ah ee ay ku jooggaan Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay taageerada dhinacyada kala duwan ah ee Dowladda Jabuuti ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo iskaashiga dhinacyada horumarka iyo amniga.”

Axmed Madoobe ayaa Caasimadda Djibouti ku tegay booqasho saddex maalmood qaadan doonta, ka dib markii uu martiqaad ka helay Madaxweyne Geelle.

Wafdiga Axmed Madoobe ayaa waxaa ka mid ah Wasiirada Amniga, Maaliyadda, Ganacsiga, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland iyo Maareeyaha Dekedda Kismaayo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com