Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha Turkiga

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Safiirka Dowladda Turkiga ee dalka, Danjire Mehmet Yilmaz oo soo geba-gabeeyay shaqadiisii diblomaasiyadeed ee Somaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Danjire Mehmet Yilmaz, doorka uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo taageerada Dowladnimada Somaliya.

Dhankiisa, Danjire Yilmaz oo Madaxweynaha uga mahadceliyay kulankan ayaa tilmaamay, sida uu ugu faraxsan yahay wada shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay, sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblomaasiyadeed ee ay la leeyihiin walaalahooda Turkiga, kuwaas oo u soo gurmaday dadkeenna xilligii adkaa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com