Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku xukuntay askarigii dilay ganacsade Aabarimo

Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay Dable Dowladda Hoose Qaasim Ducaale Cabdi, kaasoo Talaadadii Magaalada Muqdisho ku dilay ganacsade lagu magacaabi jiray Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Aabarimo).

Askarigan ayaa lagu helay inuu Suuqa Xamar Weyne shan kun oo shilling Somali ugu dilay ganacsadaha, oo si weyn looga garanayay degmadaasi.

Askariga oo ka tirsan Waaxda Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ku andacoonaya in si aan ku talagal ahayn ay kaga fakatay xabadda, ka dib markii uu sheegay in ay ganacsadaha is qabsadeen.

Goobjoogeyaashii la horkeenay maxkamadda ayaa askarigaasi ku markhaati furay in uu si bareer ah u dilay marxuum Aabarimo.

Xeer Ilaaliye Kuxigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa Guddoonka Maxkamadda ka codsaday xukun lagaga baaqsan karo suurad xumeynta ciidamada.

Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute), Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ugu dambayn ku dhawaaqay go’aanka maxkaamdda.

“Waxaa maxkamadda u caddaatay in eedeysane Qaasim Ducaale Cabdi uu si bareer ah u dilay marxuum Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Aabarimo), waxayna maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho, oo ah qisaasta marxuumka.” Ayuu yiri Gudoomiye Shuute.

Qoyska iyo ehelada marxuumka oo ku sugnaa fadhigii maxkamadda ayaa soo dhaweeyay go’aanka degdegga ah ee maxkamadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com