Ruushka oo 21 qof ku dilay Magaalada Dnipro (SAWIRRO)

Tirada dadka ku dhintay gantaal uu Ruushku ku dhuftay guri dabaq ah oo ku yaala Magaalada Dnipro ee dalka Ukraine ayaa Axadda maanta ah kor u dhaaftay 21 qof, iyadoo shaqaalaha gurmadka ay ku jiraan howlo ay burburka hoostiisa kaga soo samatabixinayaan, haddii ay jiraan dadka weli nool.

Ugu yaraan 35 qof ayaa weli la la’yahay, halka 73 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu bartiisa Telegram-ka ku sheegay Mykola Lukashuk, oo ah Madaxa Golaha Deegaanka ee gobolka.

Dhismaha Dnipro ayaa qayb ahaan la burburiyay, intii ay socdeen weeraro xiriir ah oo Sabtidii dhacay, waana weeraradii ugu xooganaa ee uu Ruushku qaado muddo laba toddobaad gudahood ah. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Moscow oo ku saabsan weeraradan.

Kooxaha gurmadka ayaa saacadihii ugu dambeeyay ku howlanaa raadinta dad badbaaday. Shaqaalaha gurmadka ayaa sheegay inay maqleen dad ku qaylinaya in la caawiyo burburka hoostiisa.

Militariga Ruushka ayaa la filayaa in billaha hore ee sanadkan ay ballaariyaan duulaankooda dalkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com