Ciidamada Dowladda oo la wareegay Degmada Galcad

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya xoogaga deegaanka ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Warbaahinta Dowladda u xaqiijiyay in ciidamadu ay si buuxdo ula wareegeen degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan oo ka soo tallaabay dhanka Hirshabelle ay maleeshiyada Al Shabaab ka saareen degmadaasi.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Abshir Cabdi Shiikhow ayaa sheegay in hawlgaladu ay si dardar leh uga socdaan deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka ayaa tilmaamay in maalmaha soo socda uu qorshuhu yahay in ay ciidamadu la wareegaan Degmada Ceeldheer.

Galcad oo ku taala cirifka koonfureed ee Gobolka Galgaduud ayaa xad la leh Ceeldheer, Galhareeri, Ceelbuur iyo Ruunirgood oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Shabaabka ayaa muddo dheer ka arriminayay degmadan istiraatiijiga ah. Bartamihii sanadkii 2016 ayaa mar laga saaray, inkastoo muddo kooban ka dib ay soo baneeyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com