Ciidanka Xoogga Dalka oo la wareegay Degmada Xarardheere

Ciidamada Kumaandooska Danab, Gorgor, Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ayaa maanta la wareegay Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Ciidamada oo maalin ka hor ka ruqaansaday Degmada Hobyo ayaa maanta gudaha u galay degmadaasi, oo maleeshiyada Al Shabaab ay ku lahaayeen saldhigooda ugu weyn ee gobolkaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga Somallya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ku sugan Degmada Hobyo ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay la wareegeen gacan ku haynta degmadaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Kumaandooska Gorgor iyo Danab oo galay degmadaasi aanay wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyadaasi.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa sheegay in ciidamada ay ku daba joogaan firxadkii maleeshiyada Shabaabka.

Shabaabka ayaa Xarardheere ka arriminayay, tan iyo sanadkii 2010, waana degmada qura ee ay gobolkaasi ka haysteen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com