Ismiidaamin ay dad ku dhinteen oo ka dhacday Gobolka Hiiraan (SAWIRRO)

Waaberigii saaka ayaa qarax xoogan laga maqlay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, iyadoona ay dad ku dhinteen, kuwa kalena ay ku dhaawacmeen.

Nin la socday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa bartilmaameedsaday saldhig ay deegaankaasi ku lahaayeen xoogaga Macawiisleyda ee qaybta ka ah dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga dib-u-xoreynta deegaanka ay rasaaseeyeen gaarigaasi, ka hor intii aanu ku qarxin goobtii uu bartilmaameedku ahaa.

Ma cadda tirada dadka ku dhintay qaraxaasi iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay, balse dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay arkayn meydadka saddex qof iyo dhaawaca tiro kale.

Taliye Kuxigeenkii Hay’adda CID-da ee Saldhigga Booliska Beledweyne, Dhamme Jamaal Axmed jaamac ayaa ka mid ah dadka ku dhintay qaraxaasi.

Qaraxa oo ka dhacay bartamaha Halgan ayaa waxaa ku burburay dhismooyin la degan yahay iyo weliba goobo ganacsi.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkaasi ayaa qoraal ku sheegtay in khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira lagu gaarsiiyay waxa ay ugu yeertay cadowga.

“Waxaana xubnaha lagu dilay ka mid ah Saraakiishii ugu muhiimsaneyd ee ka hawlgelayay deegaanadaas, kuwaas oo ay Mujaahidiintu in muddo ah ku raad joogeen. Waxaa kaloo jira burbur lixaad leh oo gaaray saldhigii cadowga iyo gaadiidkii ciidan ee goobta yaallay.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Al Shabaab.

Shabaab ayaa maalmihii ugu dambeysay kordhiyay weerarada ay ka gaysanayaan gobolkaasi, waana xilli laga saaray inta badan deegaanadii ay gobolka ka maamulayeen.

Shabaabka ayaa qaraxyo ay dad badani ku dhinteen ka gaystay Degmooyinka Maxaas, Buulo Burde iyo Jalalaqsi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com