Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diiran loogu soo dhaweeyay Baydhabo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qaybgelaya shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay gogashan oo uu fidiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), si loo xaqiijiyo Koonfur Galbeed heshiis ah, loona xoojiyo midnimada iyo wadajirka dadka deegaanka.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), masuuliyiin ka kala socday Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Koonfur Galbeed waxa uu xoogga saari doonnaa, sidii loo dardargelin lahaa xoreynta deegaanada Koonfur Galbeed ay ka arrimiyaan maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com