Shirka reer Koonfur Galbeed oo ka furmaya Magaalada Baydhabo

Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Guddiga Farsamada ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in shirka uu Isniintan ka furmi doono magaaladaasi, waana shir ay ka qaybgelayaan madaxda maamulka, siyaasiyiinta mucaaradka iyo madax ka socota dhanka Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu gaaro magaaladaasi, si uu Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ugu wehliyo shirkaasi.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo musharaxa kale ee lagu magacaabo Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa ku sii jeeda magaaladaasi.

Shirkan oo muddo laba toddobaad ka socon doono magaaladaasi ayaa waxaa ku baaqay Gudoomiye Aadan Madoobe, ka dib xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay, markii uu dhammaaday muddo xileedkii Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo ku ekaa 19-kii bishii December.

Ammaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoona ciidamo fara-badan lagu soo daadiyay wadooyinka soo gala goobta lagu wado in shirkaasi uu ka qabsoomo.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Maxamed Isaaq Cabdi ayaa Warbaahinta u sheegay inay ku howlan yihiin sugidda amniga ee magaalada.

Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika iyo qaar ka mid ah Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa loo xilsaaray inay sugaan amniga goobta uu ka dhacayo shirkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com