Gulufka lagu wiiqayo Shabaab oo si dardar leh uga socdo deegaanada Galmudug

Gulufka ka dhanka ah mintidiinta Al Shabaab ayaa si dardar leh uga socdo deegaanada Galmudug, iyadoo maanta oo ugu dambeysay laga saaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda oo ay la socdaan kuwa Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga kacdoonka shacabka ay si buuxdo ula wareegeen degmadaas.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Maxamed Tahliil Biixi ayaa guul taariikhiya ku tilmaamay hawlgalka lagu xoreeyay degmadaasi.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa muddo dheer ka arriminayay Degmada Ceeldheer oo ku taalo bariga Gobolka Galgaduud.

Waa degmadii 3aad oo ka tirsan Galmudug oo toddobaadkan laga saaro Shabaabka ka arrimiya qaybo ka mida Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa sheegay in maalmaha soo socdo Shabaab laga ciribtiri doono guud ahaanba deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com