Laba nin oo caawa lagu soo bandhigay Magaalada Muqdisho

Labadan nin ayaa lagu soo bandhgay Saldhigga Booliska ee Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, ka dib markii ay ciidamadu ka soo qabteen degmadaasi.

Raggan oo ku eedeysan falal burcadnimo ayay caawa ciidamada ka qabteen Isgoyska Degmada Howlwadaag

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in raggaasi ay ku hubeysnaayeen bastoolado caag ah, oo ay u adeegsanayeen in ay bulshada ku baartaan.

Falalka dhaca ayaa xilliyada habeenkii ku badan Magaalada Muqdisho, waana dhaca ay gaystaan kooxaha burcadda ee abaabulan.

Bulshada reer Muqdisho ayaa cabasho xoog leh ka muujineysa kooxaha burcadda ee dadka ku baarta magaalada.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waday hawlgalo ay ciidamadu kula dagaalamayaan kooxahaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com