Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ka furmay Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa gelinkii dambe ee maanta ka furmay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Shirka oo uu ku baaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa la isugu soo dhaweynayaa Maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka ka furay hoolka Ruun Jinaad, oo ku yaala afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Baydhabo.

Shirkan ayaa markii hore la qorsheynayay in lagu qabto hoolka Hotel Horyaal, inkastoo markii dambe laga wareejiyay. Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa la dejiyay hotelkaasi, marka laga soo taggo Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo isagu guri ka kireystay meel aan sidaasi madaxtooyada uga fogeyn.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo madasha shirka ka hadlayay ayaa reer Koonfur Galbeed ugu baaqay in ay dhab ka noqoto midnimada dhexdooda iyo inay diyaar u yihiin, sidii maleeshiyada Al Shabaab looga saari lahaa saddex gobol ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa xusay in ay muhiim tahay in siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ay wada hadlaan, si loo helo xasillooni siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa xoojiyay in dadka reer Koonfur Galbeed ay ka arrinsadaan, wixii tabasho oo dhexdooda ah, marka xigtana ay tahay in ay Shabaab iska dulqaadaan.

Shirkan oo Odayaasha Dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka ay qayb ka yihiin ayaa muddo laba toddobaad ka socon doono Magaalada Baydhabo, haddii aanu waxba iska bedelin, sida uu qorshuhu yahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com