Wararkii ugu dambeeyay weerarka ka dhacay deegaanka Xawaadley

Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerar saakay ay maleeshiyada Al Shabaab ku qaadeen xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Weerarka oo ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxaa xigay dagaal toos ahaa, oo ay maleeshiyadaasi ku qaaday xerada ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac uu halkaasi ku dhex maray dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday, isla-markaana ay ciidamadu u hareen xerada.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in maleeshiyadii weerarka soo qaaday ay markii dambe dib uga gurteen deegaankaasi, isla-markaana ay horey u sii qaateen dhowr ka mida gaadiidkii ciidamada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in la fashiliyay weerarkii argagixisada ku soo qaaday deegaankaasi, oo 20km u jira Degmada Balcad.

Taliyaha ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay 21 ka mida ah kooxaha argagixisada. Khasaaraha dhankooda ayuuna ku sheegay dhimashada 5 askari.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Illaa 12 askari oo 4 ka mida ay Saraakiil yihiin lagu dilay dagaalka. Saraakiishaasi waxaa ka mid ah Taliyihii Guutada 3aad ee Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqey).

Waa weerarkii 2aad oo ceynkiisa ah oo bishan ka dhaca Gobolka Shabellaha Dhexe. 6-dii bishan ayay ahayd markii weerar qaraxyo ku bilowday ay Shabaabku ku ekeeyeen xerada Ciidamada Dowladda ku leeyihiin deegaanka Hilowle Gaab ee gobolkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com