Aadan Madoobe oo la kulmay Culimada Koonfur Galbeed (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa Magaalada Baydhabo kula kulmay Culimada Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha ayaa Culimada kala hadlay arrimaha dib-u-heshiiniinta iyo doorkooda kaga aaddan nabadeynta deegaanada Koonfur Galbeed.

“Culima’udiinka Koonfur Galbeed ayaa Gudoomiyuhu warbixin ka siiyay goobaha ay tageen iyo kulamada wadatashi, ee ay la yeesheen siyaasiyiinta ka aragti duwan Maamulka Koonfur Galbeed, waxayna Gudoomiye Sheekh Aadan Madoobe ku ammaaneen doorka muhiimka ah uu ka qaatay ilaalinta iyo midnimada shacabka reer Koonfur Galbeed.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa gunaanadka kulanka uga mahadceliyay, sida laab furnaanta leh ee ay ugu howlan yihiin wacyigelinta iyo baraarujinta shacabka Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha ayaa ku ammaanay in kaalintooda lama ilaabaanka ah sii xoojiyaan, kana shaqeeyaan hirgelinta iyo guul ka gaaridda gogosha taala Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com