Madaxweynaha Galmudug iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Degmada Xarardheere

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa ayaa gelinkii dambe ee shalay gaaray Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, oo Isniintii laga saaray maleeshiyada Al Shabaab.

Ciidamada Dowladda, Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ayaa tan iyo shalay degmadaasi ka waday hawlgalo amni xaqiijin ah.

Masuuliyiintan oo ka ambabaxay Degmada Hobyo ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Saraakiisha Ciidamada. Socdaalkooda ayaana la xiriiriyay dardargelinta gulufka lagu doonayo in lagu soo afjaro Shabaabka Galmudug.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa mar sii horreysay oo maanta ah waxa uu dadka reer Galmudug ugu baaqay inay u gurmadaan shacabka ku dhibaateysan deegaanada la xoreynayo.

Wasiirka ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay “Mar walba Khawaarijta dhagartooda way socon doontaa, laakiin shacabka Soomaaliyeed waxaa laga rabaa inaysan ku niyad jabin arrinkaas.”

Xarardheere waa degmadii 2aad ee shalay lagala wareego maleeshiyada Shabaabka, waxaana ka sii horreysay Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud. Ciidamada ayaana maanta la wareegay gacan ku haynta Degmada Ceeldheer.

Hawlgalada Shabaabka lagaga sifeynayo Gobolada Dhexe ayaa haatan si dardar leh uga socdo deegaanada Galmudug.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com