Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baydhabo ka daahfuray Hindisaha Qaran ee Somaliya Cagaaran

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo kaga qaybgalay Munaasabadda Daah-furka Ololaha Qaran ee Somaliya Cagaaran, wejiigiisa deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha oo dul istaagay ahmiyadda dhirtu ay u leedahay dhulkeenna iyo khatarta ay dalka ku hayaan nabaad guurka & Xaalufinta deegaanka ayaa adkeeyay in loo midoobo badbaadada deegaanka Soomaaliyeed, isaga oo faray maamulada heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Baay in ay shacabkaka ku dhiirigeliyaan abuuridda dhirta, si uu u guuleysto Qorshaha Qaran ee Somaliya Cagaaran.

“Hadafkeennu waa Somaliya Cagaaran oo barwaaqo ah, abaaraha iyo roob yarida nagu soo laalaabatay waa qaddar Alle, balse waxaa loo aaneeyaa geedo yaraanta iyo xaalufka deegaanka. Maamulka Gobolka Baay iyo kan Degmada Baydhabo waa in ay hormuud u noqdaan olalaha dhir beerista, shacabkana ku dhiirigeliyaan in ay geedo badan beeraan.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Munaasabadda Daah-furka Hindisaha Qaran ee Somaliya Cagaaran ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiiro heer Federaal & heer Dowlad Goboleed iyo qaar ka mid ah dhallinta Baydhabo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com