Wararkii ugu dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay duleedka Xarardheere

Ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo xoogaga deegaanka ay xaqiijiyeen amniga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa waxay bilaabeen hawlgalo ay kula wareegayaan deegaanada hoostagga degmadaasi.

Ciidamada ayaa gelinkii dambe ee maanta weeraray maleeshiyada Al Shabaab oo la sheegay inay isu uruursanayeen deegaanka Bacadka Faarax Aadan, halkaasoo la soo sheegayo in labada dhinac uu dagaal culus ku dhex maray.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay iska caabin xoog leh kala mulmeen maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana ay tani adkeysay inay si dhakhsa ah kula wareegaan deegaankaasi.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu caawa caweyskii soo gaaray, ka dib markii ay dib u gurasho sameeyeen maleeshiyadii halkaasi lagu weeraray. Ciidamada ayaa la soo sheegaya in ay hadda ku sugan yihiin inta u dhaxeyso Bacadka Faarax Aadan iyo Tuulo Xaaji.

Gudoomiyaha Degmada Xarardheere, Maxamed Yuusuf Kulmiye (Maxamed Deeq) ayaa sheegay in ciidamadu ay weerareen goob ay isugu taggeen Shabaabkii laga saaray degmadaasi.

“Meesha waxaa lagu dharbaaxay kooxo Khawaarij ah oo ku jiray, waana la sii baacsanayaa haddeertaan. Meydkooda iyo dhaawacoodana meesha ayuu sii yaallaa, haddana waa lagu daba jiraa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha oo Warbaahinta Qaranka la hadlay.

Gudoomiyaha ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in diyaaradaha saaxiibada caalamiga ay dhanka cirka ka garaaceen maleeshiyadii Shabaabka, intii uu dagaalku socday.

Ciidamada Kumaandooska Gorgor iyo Danab ayaa horkacayay gulufka ay ciidamadu maalintii Isniinta kula wareegeen gacan ku haynta degmadaasi, oo ahayd degmadii keliya ay Shabaabku ka maamulayeen gobolkaasi, inkastoo weli ay gobolka ka joogaan deegaano iyo tuulooyin uu qorshuhu yahay in maalmaha soo socda laga saaro.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com