Xasan Sheekh oo dhagax dhigax-dhigay Madaxtooyada laga dhisayo Baydhabo (SAWIRRO)

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maalintii 3aad ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa maanta dhagax-dhigay Madaxtooyada Qaranka ee laga dhisayo magaaladaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa dhagax-dhigan ku wehlinayay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday kaamka barakacayaasha, oo ay ku jiraan boqolaal qoys oo ka soo cararay dhibaatada kooxaha argagixisada. Madaxweynaha kormeeray qaybaha Dugsiga Quraanka iyo Iskuulka Hoose/dhexe ee kaamkan, oo uu ballanqaaday dhismihiisa booqashadii hore ee uu ku tegay Baydhabo, haatana labaduba ay shaqeynayaan, iyadoo Madaxweynuhu uu xoojiyay in uu ka shaqayn doono, sidii loo sii ballaarin lahaa adeegyada waxbrasho ee dadka barakaca ku ah kaamkan iyo horumarinta xarrumahan aqooneed ee uu u hirgeliyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehelinayo Madaxweyne Laftagareen ayaa sidoo kale kormeeray Isbitaalka Gobolka Baay, halkaas oo uu dul istaagay adeegayda caafimaad, baahiyaha jira iyo xaaladda bukaanada ku jira.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com