Dowladda oo sheegtay in 49 Shabaab ah lagu dilay Gobolka Shabellaha Dhexe

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in 49 nin oo ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab lagu dilay hawlgal ka dhacay tuulada Dhagaxow, oo ka tirsan deegaanka Xawaadley ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dowladda ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in hawlgalkan oo ka dhacay dhul beereedka Sheekh Qaasim ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa NISA, xoogaga deegaanka iyo saaxiibada caalamka.

“Sidoo kale Khawaarijta halkan waxay ku haysteen dhaawacyo badan oo ayaga ka mid ah, kuwaas oo horey ugu soo dhaawacmay dagaalada dalka looga xoreynayo, qaarkood ayaana hawlgalkan lagu dhameystiray.” Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri “Hawlgalka inta uu socday Khawaarijta waxaa laga soo celiyay gaadiid dagaal, oo ay horey u qaateen, kuwaas oo uu ku jiro gaari uu saaran yahay qoriga Zuu-ga, waxaana sidoo kale hawlgalka lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan.

Hal asakari oo ka tirsan Ciidanka Qaranka ayaa ku shahiiday inta uu socday hawlgalka, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray saddex kale oo ka tirsan Ciidamada Qaranka.”

Hawlgalkan ayaa imaanaya maalin uun ka dib, weerarkii askarta badani ku dhinteen ee ay mintidiinta Al Shabaab ka gaysteen deegaanka Xawaadley, oo 20km u jira Degmada Balcad.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com