Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray hoygii Fargeeti ee la weeraray (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa maanta kormeeray goobihii ay shaqaaqooyinka ka dhaceen.

Gudoomiyaha oo ku guda jira xalinta tabashooyinka siyaasiyiinta ka aragtida duwan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa warbixin ka dhageystay barraha ay degan yihiin Ciidamada Koonfur Galbeed iyo guryaha siyaasiyiinta mucaaradka.

Gudoomiyaha oo ay la socdeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa mid mid ula fariistay ciidamada, isagoona kala hadlay in laga wada shaqeeyo ilaalinta nabadgelyada iyo xasilloonida magaalada, si ay mira dhal u noqoto gogosha dib-u-heshiisiineed Koonfur Galbeed ee taala magaaladaasi.

“Waxaa uu Gudoomiyaha faray ciidanka in aysan qaadin wax tallaabo ah oo liddi ku ah xasilloonida deegaanka, isagoo ka digay in Magaalada Baydhabo xilligan qalalaaso laga abuuro, lana ilaaliyo wax kasta oo deganaanshaha shacabka wax u dhimi kara.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha ayaa amar ku bixiyay in hubkooda dib loogu celiyo askartii Arbacadii lagu jirdilay, hubkana looga qaatay hoyga Musharax Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti). Gudoomiyaha ayaa sheegay in askartaasi ay ilaalineyso oo keliya gurigaasi, oo ku yaala dhabarka dambe ee Isgoyska Samafone ee bariga Baydhabo.

Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa weeraray hoygan, xilli Baydhabo ay ka socoto dadaalada nabadeed ee lagu doonayo in la isugu soo dhaweeyo Madaxweyne Laftagareen iyo mucaaradka.

Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo fulineysa amarkii Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa dib u celisay hubkii shalay laga qaatay ilaaladii hoygaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com