Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ku xukuntay dhakhtarkii dilaaga

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku xukuntay Maxamed Cabdinuur Jiirow Hagar (Dr. Fanax), kaasoo muddo dheer ka tirsanaa maleeshiyada Al Shabaab.

Ninkan ayaa lagu helay ku lug lahaanshaha dilal, qaraxyo iyo been abuur la xiriira tukhasus uu in muddo ah bulshada kaga dhex shaqeynayay & weliba sheegashada darajooyin ciidan.

Ninkan oo sanadkii 2009-kii Shabaab kaga biiray Magaalada Beledweyne ayaa sanado badan ku shaqeynayay qaab dhakhtar ah, isagoona doortay qaybta neerfaha, sababta uu u doortay ayuuna ku sheegay si aan looga shakiyin.

“Dhakhtarkan wuxuu ii ahaa wax aan ku dhuunto, laakiin shaqadeeda saxda ah oo aniga aan caasimadda ku joogay waa shaqooyinkan qaraxyada.” Ayuu ku sheegay wareysi ay laamaha amniga la yeesheen.

Ciidamada Dowladda ayaa 13-kii bishii March ee sanadkii hore ka soo qabtay Magaalada Beledweyne, isagoona muddadii uu Shabaabka ka tirsanaa ka soo shaqeeyay Gobolada Hiiraan, Banaadir, Jubbooyinka iyo Gedo.

Ninkan ayaa falalka argagixiso ee lagu soo eedeeyay waxaa laga xusi karaa qaraxyo ka dhacay maqaaxiyado ku yaala Isgoyska Jubba ee Magaalada Muqdisho, 2-dii bishii July iyo 19-kii bishii August ee sanadkii 2021, kuwaa oo dad badan oo rayid ah ay ku dhinteen.

Maxkamadda Ciidamada ayaa 14-kii bishan soo geba-gabeysay maxkamadeyntiisa, iyadoona maanta ay maxkamaddu soo saartay go’aankeeda oo ah dil toogasho.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaana ku dhawaaqay dilka toogasho ee ninkaasi lagu riday.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com