Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde oo qaarkood shaqo joojin sameeyay

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Qaybta Amniga ee ee Shirkadda Maamusha Garoonka Aadan Cadde ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, ka dib markii ay cabasho ka muujiyeen qaabka ay shirkaddaasi ula dhaqanto.

Shaqaalahan oo la shaqeeya shirkadda dalka Turkiga laga leeyahay ee FAVORI ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyagoona ku dhawaaqay shaqo joojin.

Shaqaalaha ayaa cabasho ka muujiyay xadgudubyo ay sheegeen in ay kala kulmaan maamulka shirkaddaasi, isla-markaana ay jiraan xaquuqo ka maqan.

Shaqaalahan oo Soomaali ah ayaa sidoo kale waxa ay cabasho ka muujiyeen in ay ku shaqeeyaan mushaaraad aad uga yar, mushaaraadka ay ku shaqeeyaan shaqaalaha kale ee ajnabiga.

Waxay sheegeen, ka hor inta aanay ku dhawaaqin shaqo joojintoodan ay cabashadooda la wadaageen Maamulka FAVORI iyo dhinacyada kale ay khuseyso, balse aanay cidina waxba ka qaban.

Shaqaalahan ayaa qaabilsanaa hubinta amniga agabka iyo rakaabka raaca diyaaradaha, waana kuwa lagala xisaabtamo, fal kastoo amniga liddi ku ah.

Shirkadda cabashada laga yahay iyo Dowladda Federaalka ayaan weli wax war ahi ka soo saarin shaqo joojinta ay shaqaalahaasi ku dhawaaqeen.

FAVORI ayaa Maamulka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde lagu wareejiyay 15-kii bishii September ee sanadkii 2013, markaas oo Shirkadda SKA laga wareejiyay howlihii shaqo garoonkaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com