Dowladda Federaalka oo ka hadashay weerarkii xooganaa ee ka dhacay Galcad

Dowladda Federaalka ayaa war ka soo saartay weerarkii xooganaa, ee ay maleeshiyada Al Shabaab saakay ka gaysteen Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay 100 ka mida maleeshiyadii weerartay saldhigga Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin degmadaasi.

“Dagaal culus oo halkaas ka dhacay ayaa lagu jabiyay Khawaarijta, waxaana meydadkooda ay daadsan yihiin goobta dagaalka uu ka dhacay, iyadoo halkaasi looga gubay gaadiid dagaal oo gaaraya illaa shan gaari, kuna jiro mid ka mid ah gawaarida gaashaaman oo ay Khawaarijtu xilli hore ku qabsatay dagaalo dhacay.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay “Mujaahidiinta Xoogga Dalka waxaa dagaalka uga shahiiday 7 askari oo uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa Guutada Danab. Goobta waxaa si buuxda gacanta ugu haya Ciidamada Xoogga Dalka.”

Dowladda Federaalka ayaa u mahadcelisay saaxiibada caalamiga, oo sida ay sheegtay gacan ka gaystay jabinta kooxaha argagixisada.

“Dowladda Somaliya waxaa ka go’an in ay dalka ka ciribtirto Khawaarijta, oo hadda maraysa marxalad naf la caarinimo ah.” Ayaa lagu sheegay warka.

Shabaabka ayaa waaberigii saakay weerar ay qaraxyo ku bilowdeen ku qaaday xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin degmadaasi, oo 16-kii bishan uun ay ciidamadu kala wareegeen maleeshiyadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com