Kenya oo sheegtay in ciidamadeeda ay dileen 10 ka tirsan Shabaab

Ciidamada Kenya ayaa la sheegay in 10 dagaalyahan oo ka tirsan Al Shabaab ay ku dileen bariga dalkaasi, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Dowladda Kenya, Khamiistii.

Waxa ay sidoo kale soo furteen hub ay ka mid ahaayeen baasuukayaal iyo walxaha qarxa, ka dib markii ay Arbacadii kula dagaalameen maleeshiyaadkaasi tuulada Galmagalla ee Ismaamulka Gaarisa, sida uu yiri Thomas Bett, oo ah Gudoomiye Kuxigeenka deegaanka Bura.

“Hawlgalkii looga sifeynayay kooxda Al Shabaab ee ku sugan gobolka waxaa fuliyay kooxdeena hay’adaha kala duwan ah, waxana ay ku guuleysteen in ay ka takhalusaan 10 ka mid ah kooxaha Islaamiyiinta, waxana ay soo furteen hubkii ay weerarka ku soo qaadeen.” Ayuu u sheegay Reuters.

Saraakiisha Al Shabaab ayaan dhankooda ka hadlin sheegashada Kenya ee ah in 10 ka tirsan maleeshiyadooda lagu dilay bariga dalkaasi.

Shabaabka ayaa 10-kii sano ee ugu dambeysay weeraro ka gaysanyay dalkaasi. Toddobaadkii hore oo ugu dambeysay waxay qarax ku dileen 4 ka mid ah Shaqaalaha Maamulka Wadooyinka ee Kenya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com