Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Taliye Kuxigeenkii Danab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ciidamada Qalabka Sida uga tacsiyeeyay geerida Saraakiisha iyo Ciidanka ku shahiiday dagaalkii maanta ka dhacay Degmada Galcad.
Madaxweynaha ayaa xusay sida geesinimada iyo naf hurka ah ee ciidamadu ay u jabiyeen argagixisadii soo weerartay xeradooda.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyay Taliye Kuxigeenkii Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan oo ku geeriyooday dagaalkaasi, waxa uuna Alle u weydiiyay Jannatul Firdowso, isaga iyo dhammaan halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida ee ku shahiiday jidda hore ee dagaalka ka dhanka ah mintidiinta Al Shabaab.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay guulaha is daba-joogga ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka kooxaha argagixisada iyo xoreynta deegaanada, taas oo caddeyn u ah dhammaadka argagixisada Al Shabaab iyo xaqiijinta Somaliya xor ka ah argagixisada, dadkeeduna ay hiigsadaan horumar iyo nolol wanaagsan.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com