Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Degmada Galcad

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa saaka weerar xoogan ku qaaday xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, oo maalintii Isniinta laga saaray.

Weerarka ayaa ku bilowday laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Shabaab lugeynaya ayaana intaasi ka dib weerar toos ahaa ku ekeeyay xerada ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac uu halkaasi ku dhex maray dagaal lagu riiqmay, isla-markaana ay jirto dhimasho iyo dhaawac badan oo labada dhinac ah.

Afhayeenka Hawlgalada Al Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen 159 askari, kuwaa oo sida uu sheegay isugu jira Kumaandooska Danab iyo Gorgor.

Afhayeenka ayaa sheegay in maleeshiyadooda ay dhowr jiho ka weerareen fariisimaha ciidamada, isla-markaana ay u suurtagashay inay si buuxdo ula wareegaan saldhigaasi.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in illaa labaatan askari oo uu ku jiro Taliye Kuxigeenka Ciidanka Kumaandooska Danab, Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) ay dhanka dowladda kaga dhinteen dagaalkaasi, halka aan wax badan laga ogayn inta uu le’egyahay khasaaraha gaaray maleeshiyadii weerarka soo qaadday.

Waa weerarkii ugu horreyay ee ceynkiisa ah oo sanadkan ay Shabaabku ka gaystaan Gobolka Galgaduud, inkastoo ay weeraro tiro ah ka gaysteen Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com