Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaanka Janaay Cabdalle

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Daraawiishta Jubbaland ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanka Janaay Cabdalle, oo illaa 60km u jirta Magaalada Kismaayo.

Ciidamada ayaan wax iska caabin ah kala kulmin maleeshiyadii Al Shabaab, ee muddooyinkii ugu dambeysay ka arriminayay deegaankaasi.

Saraakiisha Taliska 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ay isaga carareen deegaankaasi.

Hawlgalkan ayaa lagu macneeyay mid bilow u ah gulufka ay ciidamada ku xoreynayaan deegaanada Jubbaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay sanadkan soo afjari doonto mintidiinta Shabaabka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com