Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka jira Koonfur Galbeed

Abaabul iyo diyaargarow ciidan ayaa laga soo sheegaya deegaanada Koonfur Galbeed, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu Talaadadii iclaamiyay in wejiga labaad ee hawlgalada lagu ciribtirayo maleeshiyada Al Shabaab ay ka bilaaban doonaan deegaanada maamulkaasi.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo bishii December saanad ciidan gaarsiiyay Ciidanka Xoogga Dalka ee ka hawlgala Gobolka Shabellaha Hoose ayaa la soo sheegaya in haatan ay saanad gaarsiiyeen ciidamada ku sugan Gobolada Baay iyo Bakool.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa deegaanka ayaa la filayaa in ay hawlgaladaasi ka bilaabaan deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan saddexda gobol ee Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay u diyaarsan tahay gulufka xigga ee dhawaan laga sameynayo deegaanadeeda.

“Waxaan sameynay abaabul badan, bulshada dhanaa ku wacyigelinay dagaalka Shabaab, ciidamo badan oo tababar dhameystay baan diyaarinay, goobihii ay ka hawlgeli lahaayeen ayaan gaynay, saddexda gobolba in ay ka bilaabato qorshe ah ayaan sameynay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Warbaahinta Qaranka la hadlay.

Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray “Marka guud ahaan dadka reer Koonfur Galbeed iyo Ciidamada Dowladda, cid kastaba waxaan diyaar u nahay inaan qaybta ugu muhiimsan ka qaadano hawlgalka iyo la dagaalanka argagixisada Shabaab.”

Madaxweyne Laftagareen ayaa tilmaamay, marka laga reebo in Shabaabku ay afar degmo ka haystaan Koonfur Galbeed, haddana ay joogaan wadooyinka la isaga kala gudbo magaalooyinka iyo gobolada.

Laftagareen ayaa xusay inay diyaariyeen istiraatiijiyad ay tahay in muddo bil ah lagu xoreeyo dhulka ay Shabaab kaga sugan yihiin saddexda gobol ee maamulkiisa, ballanqaadka uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda u muujiyayna ay soo dedejinayso in si dhakhsi ah hawlgalada looga bilaabo deegaanadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com