Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo la kulmay Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan gaar ah, oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed, kaasi oo lagaga arrinsaday dib-u-heshiisiinta iyo xoreynta deegaanada ay argagixisadu ku dhibaateynayaan dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo uu wehlinayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Golaha Wasiirada la wadaagay qorsheyaasha Dowladda Federaalka ee dardargelinta wejiga labaad ee hawgalada, oo qorshuhu yahay in waqti kooban lagu soo geba-gabeeyo.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay masuuliyiinta ka qaybgalay kulankaasi in ay qaataan masuuliyadda ka saran adkeynta xoreynta deegaanada iyo Ilaalinta wadajirka shacabka, si loo helo Koonfur Galbeed xasilloon, heshiis ah, isla-markaana xor ka ah ficillada guracan ee kooxaha argagixisada.

Kulankan waxaa ka qaybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka, Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Qaranka iyo masuuliyiin kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com