Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Odayaasha Dhaqanka ka dalbaday in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo xaqiijinta Koonfur Galbeed heshiis ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Odayaasha Dhaqanku ay asaas u yihiin arrimaha dib-u-heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaalaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen horumarka & wax wada qabsiga.

Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa la wadaagay talooyinkooda ku saabsan hannaanka dib-u-heshiisiinta, dagaalka ka dhanka maleeshiyada Al Shabaab, xasillinta iyo horumarinta deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo maalinkii lixaad ku sugan Magaalada Baydhaba ayaa wada dadaalo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta howlaha dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalkiisa Baydhabo.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo Madaxweynaha Koonfur-galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com