Shaqaaqo ka dhalatay darawal mooto bajaaj oo lagu dilay Muqdisho

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa maanta darawal mooto bajaaj ku dilay Isgoyska Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Askariga dilka gaystay oo ka tirsanaa Ciidanka Booliska ee degmadaasi ayaa la sheegay in dilka ka dib uu goobtaasi ka baxsaday.

Dadweyne ka careysan dilka mooto bajaajlahaasi ayaa bannanabax ka dhigay Isgoyska Howlwadaag, iyadoona ay isku dhaceen bannaanbaxayaasha iyo ciidamada amniga.

Ciidamada ayaa rasaasta nool nool u adeegsaday bannaanbaxayaasha oo waddada xiray, taayarana ku gubay.

Shaqaaqadaasi ayaa sababtay dhimashada mid ka mida dadkii bannaanbaxa dhigayay iyo dhaawaca mid kale.

Darawalka oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xeyle ayaa dhawaan ka qalin jebiyay mid ka mida jaamacadaha magaalada ku yaala, isagoona muddooyinkii ugu dambeysay ku shaqeynayay mooto bajaaj la sheegay in qoyskiisa uu u iibiyay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay markii dambe soo xireen askarigii dilka gaystay, kaasoo qoyska marxuumka loo sheegay in sharciga la horkeeni doono.

Muqdisho waxaa dhowrkii sano ee ugu dambeysay si xiriir ah uga dhacayay dilalka ay askartu magaalada ugu gaysanayaan wadayaasha bajaajta.

Sida ku cad fal dembiyeedyada ay laamaha amniga diiwaangeliyaan, ugu yaraan hal darawal oo mooto bajaaj ayaa bishiiba lagu dilaa magaalada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com