Macluumaad la xiriira: Weerarka ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa gelinkii dambe ee maanta soo afjaray weerarka duhurnimadii maanta ee dableyda maleeshiyada Al Shabaab ka tirsan ka gaysatay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, ka dib muddo shan saac ah oo ay labada dhinac ku dagaalamayeen dhismaha xaruntaasi.

Ciidamada amniga ayaa isku gadaamay dhismaha xaruntan, qaarkood oo gudaha u galay ayay rasaas xoog leh is weydaarsadeen dableydaasi. Ciidamada ayaana goobta ka soo badbaadiyay tiro dad ah, oo u badan masuuliyiinta maamulka iyo shaqaalaha gobolka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dableydaasi ay ka faa’iideysatay xaalad is barbaryaac ah oo ka dhalatay qaraxii koowaad ee weerarku ku bilowday, oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay. Dableyda oo ku labisneyd dareyska ciidamada ayaana gudaha u gashay dhismahaasi.

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in ciidamadu ay toogteen lixdii nin ee weerarkaasi ka dambeysay, iyadoona tirada dadka ku dhintay weerarka ku sheegtay shan qof oo rayid ah iyo dhaawaca afar kale.

Madaxa Gaadiidka Gurmadka Degdegga ee Aamin Ambulance, Dr. Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in gaadiidkooda oo keliya ay halkaasi ka qaadeen dhaawacyada shan qof.

Agaasimaha Isbitaalka Martini, Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed (Jalaaludiin) ayaa xaqiijiyay in isbitaalkooda la gaarsiiyay dhaawacyada 19 qof.

Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Visha Governo ayaa ku taala xeendaab ganacsi oo aad u mashquul badan, dadkuna ay si weyn uga dukaameystaan.

Qaraxyada ka dhacay soonaha xaruntaasi ayaa waxa uu burbur ka soo gaaray dhismooyinka ku teedsan Aqalka Dowladda Hoose qaarkood. Goobahan ganacsi ayaana ku xirmay weerarkaasi oo ay Al Shabaab sheegatay.

Shabaab ayaa 24-kii bishii July ee sanadkii 2019 weerar qarax loo adeegsaday ka gaystay hoolka shirarka ee dhismahan, halkaas oo dhaawac culus uu ka soo gaaray Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow), balse 1-dii bishii August dhaawacaasi ugu geeriyooday dalka Qatar. Qaraxaasi ayaa waxaa sidoo kale ku dhintay xubno ka mid ah Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo weliba masuuliyiin kale.

Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waa aqalka 2aad ee dalka looga arrimiyo, iyada oo aqalkaasi uu adeeg u fidiyo qiyaastii afar milyan oo qof.

Shabaabka ayaa u muuqdo kuwo ka careysan gulufka ballaaran ee kaga furan gobolada dalka qaarkood.

Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ayaa mintidiinta ka saaray, inta badan dhulkii ay ka maamulayeen deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

Weerarku waxa uu ku soo aadaya, maalmo uun ka dib, markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku dhawaaqay in wejiga labaad ee hawlgalada laga bilaabayo deegaanada Koonfur Galbeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com