Madaxweynaha oo kormeeray Xarunta Tababarka ee Taliska 60aad (SAWIRRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa kormeeray Xarunta Tababarka Taliska 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Madaxweynaha ayaa halkaasi kula hadlay dufcadda 15aad ee ka qalin-jabisay dugsigan.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed in ay ilaaliyaan anshaxa ciidanimo, masuuliyadda koowaadna ay ka dhigtaan badqabka, karaamada iyo nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo aan la aqbalayn in askartii ilaalin lahayd shacabka in ay iyagu ku xadgudbaan.

Madaxweynaha ayaa xusay in wejiga labaad ee xoreynta deegaanada uu ka bilaabanaayo Koonfur Galbeed, sidaas awgeedna looga baahan yahay maamulka, bulshada iyo laamaha ammaanka Koonfur Galbeed in ay dardargeliyaan abaabulka iyo diyaargarowga hawlgalka xoreynta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u iclaamiyay in dowladdiisu ay sanadkan soo afjari doonto maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com