Madaxweyne Qoorqoor oo kormeeray fariisimaha ciidamada ee Degmada Xarardheere

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo maalmahaanba ku sugnaa Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa kormeeray fariisimaha ciidamada ee degmadaasi.

Madaxweynaha ayaa kormeer ku maray fariisimaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay ka sameysteen degmadaasi, oo 16-kii bishan ay maleeshiyada Al Shabaab kala wareegeen.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiya guulaha ay ka gaareen hawlgaladii ugu dambeeyay, isagoona sheegay inay tahay in la dardargeliyo gulufka lagu wiiqayo Shabaabka Gobolada Dhexe.

Madaxweynaha oo Sabtidii kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Degmada Xarardheere ayaa ugu yeeray in ay hawlgalada laba laabaan.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa xusay in loo baahan yahay in deegaanada maqan dib loogu soo celiyo gacanta dowladda.

Shabaabka ayaa Xarardheere ka arriminayay 12-kii sano ee ugu dambeysay, iyadoona ay degmadaasi u ahayd ishii dhaqaale ee gobolkaasi ugu muhiimsanaa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com