Mareykanka oo war ka soo saaray duqayn lagu laayay Shabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa bayaan ka soo saaray weerar dhinaca cirka oo Jimcihii ka dhacay duleedka Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay 30 ka mida maleeshiyada Al Shabaab, laguna burburiyay saddex baabuur oo ay wateen.

“Codsi ka yimid Dowladda Federaalka Somaliya iyo taageerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al Shabaab, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar is difaac oo wadajir ah, 21-kii January 2023.” Ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Taliska AFRICOM.

Bayaanka ayaa lagu sheegay “Falalka is biirsaday ee ay qaadeen ciidamada huwanta ah ee goobta ku sugnaa iyo iska horimaadka wadajirka ah ayaa lagu qiyaasay in ay ka dhasheen burburka saddex baabuur iyo inay ku dhinteen ku dhawaad ​​soddon ka tirsan argagixisada Al Shabaab.

Marka la eego goobta uu dagaalku ka dhacay oo fog, Talisku waxa uu qiimeeyay in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay.”

Mareykanka ayaa dhanka cirka ka garaacay maleeshiyadaasi, ka dib markii ay weerar culus ku ekeeyeen xerada Ciidanka Xoogga Dalka ee Galcad. Duqaynta ayaana dhacday xilli Shabaabku dib uga baxayeen degmadaasi.

Mareykanka ayaa Villa Somalia ka taageeraya dadaalada ay ku dooneyso in ay ku wiiqdo Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Khubarada militariga ayaa fahamsan in weerarada dhanka cirka ay muhiim u yihiin gulufka ay ciidamadu dib ugu xoreynayaan dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com