Wararkii ugu dambeeyay weerarka Shabaab ku galeen Xarunta Gobolka Banaadir

Dabley ka tirsan maleeshiyada Al Shabaab ayaa duhurnimadii maanta weeraray Xarunta Dowladda Hoose Xamar ee Visha Governo, oo ku taala Degmada Xamar Weyne.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ku qarxay afaafka hore ee Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir. Intaasi ka dib dhowr nin oo ku hubeysnaa qoryaha daran-dooriga u dhaca iyo bambaanooyinka nooca gacanta laga tuuro ayaa gudaha u galay dhismaha xaruntaasi.

Ciidamada amniga oo gaaray halkaasi ayaa dadaal ugu jira, sidii ay u soo afjari lahaayeen dableyda Shabaabka ka tirsan ee weerarka soo qaaday. Dhismaha ayaana laga maqlaya rasaas xoog leh.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaan xarunta ku sugnayn xilligii uu weerarku dhacayay, isaga oo arrimo shaqo ugu maqan dalka Kuwait, balse ciidamada ayaa goobta ka soo badbaadiyay qaar ka mid Kuxigeenadiisa iyo xubno kale oo u badan shaqaalaha gobolka.

Gudoomiye Kuxigeenka Amniga & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo ka mid ahaa masuuliyiintii goobtaasi laga soo daad-gureeyay ayaa sheegay in dhammaan masuuliyiinta gobolka ay badqabaan.

“Alle ayay mahad u sugnaatay, dhammaan maamulka sare ee Gobolka Banaadir way nabad qabaan. Weear ayaa saakay Khawaarijtu ku soo qaadeen Xarunta Dhexe Gobolka Banaadir, inta badan shaqaalaha waa la soo badnaadiyay, welina waxaan ku jirnaa hawlgalka.” Ayuu Yabooh ku sheegay bartiisa Facebook.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda weerarkan ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in maleeshiyadeeda ay ka dagaalamayaan gudaha dhismahaasi.

Waa weerarkii 4aad oo Shabaabku ka gaystaan Caasimadda Muqdisho, tan iyo intii uu dib xafiiska ugu soo laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Weerarkan ayaa imaanaya, xilli dalku uu ka socdo hawlgal lagu sheegay in lagu soo afjarayo maleeshiyadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com