Dowladda Somaliya oo si adag u cambaareysay Dowladda Sweden

Dowladda Somaliya ayaa ku cambaareysay Sweden inay xagjiriin dalkeeda ku sugan u ogolaatay inay nuqul ka mida kitaabka Qur’aanka Kariimka ku gubaan dibadbax ka dhacay Magaalada Stockholm.

Dibadbaxa oo Sabtidii ka dhacay bannaanka Safaaradda Turkiga ee Caasimadda Stockholm ayaa waxaa hoggaaminayay Rasmus Paludan oo u dhashay dalka Denmark, balse sidoo kale haysta dhalashada dalkaasi Sweden, kaasi oo ah nin Islaamka iyo soo-galootiga neceb.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga waxay si xooggan u cambaareyneysaa in masuuliyiinta Sweden ay u ogolaadeen nin xagjir ah inuu nuqul ka mid ah Qur’aanka ku hor gubo Safaaradda Turkiga ee Magaalada Stockholm, Sabtidii (January 21), taasi oo ka dhigan xadgudub cad oo ka dhan ah xormada diinta iyo kicinta dareenka Muslimiinta caalamka oo dhan.”

Dowladda Somaliya ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ogolaanshaha ficilkan naceybka ah uu aflagaaddo ku yahay xormada iyo qiyamka Islaamka, isla-markaana aan la aqbali karin.

“Waa keliya dhaqan dareen kicin oo taageero lagu raadinayo, isla-markaana sare u qaadaya naceybka, una adeegaya ajande xagjirinimo iyo argagixisanimo.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegtay inay xaqiijineyso mowqifka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya ee ku aaddan muhiimadda ay leedahay faafinta qiyamka wada hadalka, dulqaadka & wada noolaanshaha, diidmada naceybka iyo rabshadaha.

“Waxay Somaliya dib u cusbooneysiineysaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo astaamaha diinta iyo in laga fogaado hurinta naceybka & hurinta colaadaha, iyadoo lagu xadgudbayo oo la qalloocinayo diinta, xormada iyo caadooyinka Islaamka.” Ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Wasaaradda ayaa ugu dambayn sheegtay in Somaliya ay ugu baaqeyso Sweden inay tallaabooyin ka qaaddo naceybka sare u sii kacaya ee ka dhanka ah Muslimiinta, ayna ugu baaqeyso beesha caalamka inay masuuliyad iska saaraan wax ka qabashada Islaam naceybka.

VOA.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com