Mareykanka oo weerar dhinaca cirka ku dilay xubno ka tirsanaa Shabaab

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in weerar dhinaca cirka, oo ay ka fuliyeen duleedka Degmada Xarardheere ay ku dileen laba ka mida mintidiinta Al Shabaab.

Bayaan ka soo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqaynta oo Isniintii dhacday ay timid, ka dib codsi kaga yimid Dowladda Federaalka, iyadoo markaasi dhinaca cirka laga taageerayo Ciidanka Xoogga Dalka.

Bayaanka ayaa lagu sheegay, sida ku cad qiimeynta horudhaca ah inaanay jirin dad rayid ah oo ku dhintay amaba ku dhaawacmay duqayntaasi.

Waa weerarkii 2aad oo afar cisho gudahood ay Mareykanku ka gaystaan deegaanada Galmudug. Jimcihii duqayn ka dhacday duleedka Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud ayuu Mareykanku sheegay in lagu dilay 30 ka tirsanaa maleeshiyada Shabaabka, halka saddex gaarina lagu burburiyay.

Taliska AFRICOM ayaa sheegaya in ay sii wadi doonaan taageerada Dowladda Federaalka, ee yoolkiisu yahay in lagu wiiqo kooxaha argagixisada ee dalka ka dagaalama.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com