RW Barre oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobey

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Sanduuqa Badbaadada Carrruurta ee Qaramada Midoobey, oo uu hoggaaminayay Agaasime Goboleedka Bariga & Koonfurta Qaaradda Afrika ee UNICEF, Mohamed Fall.

Raysal Wasaaraha iyo wafdiga UNICEF ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah, oo ku saabsan howlaha samafal ee hay’adda ku howlan tahay iyo kor u qaadista taageerada iyo gargaarka aini’aadanimo ee hay’addu siiso shacabka, gaar ahaan carruurta Soomaaliyeed.

Agaasimaha ayaa sheegay in hay’addu ka go’an tahay xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee ay la leedahay Xukuumadda Somaliya, si loo horumariyo badqabka iyo caafimaadka carruurta Soomaaliyeed, isla-markaana looga taageeri lahaa la qabsiga is bedelka cimillada iyo saameynteeda dhinaca Somaliya.

Raysal Wasaare Barre ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta UNICEF taageerada bani’aadanimo ee hay’addu ku bixiso daryeelka carruurta Soomaaliyeed, isagoo ku booriyay inay kor u qaadaan dadaalkooda ku wajahan, sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka jira.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com