Saddex nin oo dil ka gaystay Puntland oo lagu qabtay Muqdisho

Saraakiisha Booliska ayaa raggan ku soo bandhigay Magaaalada Muqdisho, ka dib markii ay ciidamada amniga ka soo qabteen magaalada oo la sheegay inay ku dhuumaaleysanayeen.

Raggan oo saddex nin gaaraya ayaa ku eedeysan inay Magaalada Garoowe ku dileen marxuum lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Jeylaani iyo dhaawaca Hanad Xasan Cawil.

Ciidanka Booliska oo horey u hayay xogta raggan ayaa xalay mid ka mid ah ka soo qabtay Degmada Xamar Jajab, halka labada kalena laga soo qabtay Degmada Shibis.

Ma cadda in Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir uu raggaasi ku wareejin doono Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal iyo in lagu maxkamadeyn doono Caasimadda Muqdisho.

Toddobaadkii hore nin ku eedeysan dil oo muddo laba bilood baxsanayay ayaa lagu qabtay Degmada Dayniile. Eedeysanaha ayaa loo haystaa dilka marxuum la oran jiray Maxamed Axmed Cabdulle, kaasoo la sheegay in uu ku dilay Degmada Dharkiinley.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com