Dowladaha Somaliya iyo Masar oo kala saxiixday heshiis is afgarad ah

Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoloojiyadda Somaliya, Jaamac Xasan Khaliif iyo Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoloojiyadda Masar, Dr. Cumar Dalcat ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad oo ku saabsan Tiknoloojiyadda, ICT-da iyo Boostada, waxaana goobjoog ahaa Raysal Wasaaraha Masar, Mostafa Madbouly, sidoo kale waxaa madasha lagu saxiixay hishiishkan ku sugnaa Safiirka Somaliya dalkaasi, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh iyo La taliyaha Wasaaradda.

Hishiishkan waxa uu ku saabsan yahay iskaashiga labada dal inay is weydaarsadaan aqoonta ku saabsan tababarada ICT-da, Is dhaafsiga khibradaha & aqoonta kaabeyaalka Digital-ka ah, khibradaha istiraatiijiyadda iyo siyaasadda amniga Internet-ka, Iskaashiga dhinaca adeega Boostada, waayo aragnimada ku saabsan hal-abuurka teknoloojiyadda iyo hal-abuurka ganacsiga, waxaana uu socon doonnaa heshiishkan muddo shan sano ah.

Wasiirka Isgaarsiinta & Teknoloojiyadda Somaliya oo ka hadlay ahmiyadda heshiishkan ayaa yiri “Iyada oo la adkeenayo xiriirka soo jireenka ah ee labada wadan waxaa maanta saxiixay Hishiish iskaashi ah dhinacyada Isgaarsiinta, Boostada iyo (ICT) Ujeedada heshiiska waa in la isweydaarsado khibradaha labada dal.”

Wasiir Jaamac Xasan ayaa dadaal badan ku bixinaya, sidii dalkeena u gaari lahaa wadamada adduunka, iyadoo la xoojinaayo adeegsiga teknoloojiyada casriga oo xilligan dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay baahi badani u qabaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com